P172 fR 2 S172 l‖r 10 nov 00:11:11  SOMALI  Dawladda ku meelgaadhka  ah iyo AlmBarakaat  Dawladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inayna wax tallaabo ah ka qaadaynin sharikadda Al-Barakaat oo lagu eedeeyay inay argagixisada maalgeliso, inta guddi gaar ahi uu ka soo baadhayo eedaynah uu Maraykanku u soo jeediyay. Sidaasna waxaa sheegay madaxwaynbha dawladda ku meelgaadhka ah C/qaasim S.Xasan, AP. Dawladdaydu waxay mar hori caddysay inay ka soo horjeeddo argagixisada oo dhan, waxaan qabanaynaa guddi soo baadha in sharikada Al-Barakaat ay wax xidhiidh ah la leedahay argagixisada, sidaasna waxaa yidhi C/qaasim. 110 IND-AND 111 UD-BND 1/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:12:11  SOMALI  Nyrup: Waa midnimada la  ilaali¼aa  Ra'iisal wasaari Poul Nyrup Rasmussen azaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Danmark, wuxuuna ka digay in la sameeyo kacdood keeni kara in bulshadu ay arrimaha shisheeyaha ku kala qaybsanto inta lagu jiro ololaha doorashada. Sidaasna wuxuu yidhi shala9 khamiistii mar uu ka hadlayay boodh uu soo dhajiyay xisbiga Dansk Folkjparti, kaasoo uu ku qoran yahay hal-ku-dhagga ah "Nyrup iyo Islaamka". Nyrup wuxuu muujiyay sida uu uga walwalayo in doodda shisheeyaha laga weeciyo dariiqii saxda ahaa inta ololaha doorashada lagu jiro. 110 INDLAND 111 UDLAND 2/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:11:14  SOMALI  Dansk Folkjparti oo  qalabixinta diiddan  Xisbiga Dansk Folkjparti ayaa xisbiyada baarlamaanka ku jira oo dhan dhalliil u soo jeediyay. Sababtoo ah xisbigu wuxuu ka soo horjeedaa in laga shaqeeyo sidii ay shisheeyuhu dhexgal ugu samayn lahaayeen bulshada Danmark, ka hor intaan si aad ah loo dhimin shisheeyaha cusub ee Danmark ku soo qulqulaya. Guddoomiye ku higeenka hisbiga Peteu Skaarup wuu ka gaabsaday inuu sheego tirada uu doonayo in laga dhigo shisheeyaha sannad walba loo oggolaanayo inay Danmark yimaaddaan, si uu xibigiisu u oggolaado barnaamijka qalabixinta shisheeyaha. 110 INDLAND 111 UDLAND 3/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:11:52  SOMALI  Dad u gaalooba in sharci  la siiyo  Maxkamadda Qoxootiga ayaa la kulanta kaysas badan oo magengalyo ah, kuwaasoo ay ka muuqato qoxooti badan oo muslimiin ahaa oo qaatay diinta kirishtanka, sj degganaansho loga siiyo waddanka Danmark. Hase yeeshee Maxkamaddu arrintaas waxba kama so qaado, umana aragto inay tahay sabab macquul ah oo loo cuskan karo in qofka degganaansho lagu siiyo, sidaasna waxaa Lars Thousig oo ah qareen gacanta ku hayo kays noocaas oo kale ah. Intii uu qareenku kayska gacanta ku hayay ayuu qofkii kayska iska lahaa sheegay inuu qaatay kirishtankb, islmaakana ka baxay. 110 INDLAND 111 UDLAND 4/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:01:23  SOMALI  Brixtofte oo xisbigiisa  ka horyimid  Guddoomiyaha degmada Farum Peter Brixtofte, oo ka tirsan xisbiga Venstre, ayaa mar kali ka horyimid xisbigiisa, ka dib markii uu ka soo horjeestay siyaasadda Venstri ee ku baaqaysa in la adkeeyo sharciga qoys isukjenidda. Brixtofte wuxuu sheegay in qof waliba uu xaq u leeyahay inuu doorto qafka uu soo guursanayo iyo meesha uu ka soo guursanayo. wuxuuna sheegay inaan caalamka wax lala qabsan karin haddii siyaasad xagjirta lagu dhaqmo oo dhaqan ku dhag ah lagu dhaqmo, sidaasna wuxuu u sheegay warka TV2. 110 INDLAND 111 UDLAND 5/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:11:15  SOMALI  Roskilde oo muslimiinta  xabaalo siisby  Degmada Roskilde ayaa sheegtay inay muslimiinta ka gedi doonto dhul ay xabaalo ka dhigtaan, waxaana dhulkaas maalgelinaya dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Roskilde. Ururka shisheeyaha ee INDsam ayaa warsaxaafadeed u soo saaray ku sheegay in natiijada dhulkaas lagu kala gadanayo ee la isla gaadhay ay guul wayn u tahay ilaalinta xuquuqda bani'aadamka ee Danmark. Hasj yeeshej wuxuu ururku sheegay in wali loo baahan yahay in muslimiinta dhul xabaalo ah laga siiyo nawaaxiga Kobanhegan. 110 INMLAND 111 UDLBND 6/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:12:11  SOMALJ  Saadaasha hawada   Gelinka hori ee maanta waxaa jira baraf yaryar oo biyo wata, hasj yeeshee marka denbj qorrax yar ayaa la sugayaa, heerkulkuna waa 2-5 garaado. Caawa hawadu waa saafi, laakiin sjqda dhexe ay daruuro fuuli doonaan, heerkulkuna wuxuu u dhexeeyaa barta xarkagga iyo 5 garaado. (DMI, jimce, gelin hore) 110 INDLBND 111 UDLAND 7/8
P172 DR 2 S172 l‖r 10 nov 00:11:42  SOMALI   Ogeysiis  Dhammaan dadwaynaha soomaaliyeed waxaan la socodsiinayanaa in la sameeyay bog cusub oo tekst tv ah, kaasoo loogu talagalay ogeysiisyada iyo wixii wergelin ah oo kale. Bogga cusub ee ogeysiisyaduna waa 176 Boggii hori ee 172 waxaa lagu soo qori doonaa wararka oo kaliya. 110 INDLBND 111 UDLAND 8/8